Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Weli Weerar ku Wada Qaza


Milatariga Israel ayaa sii wada weerarka uu ku hayo Xamas, iyagoo duqeyn u geystay dhowr guri oo ku yaala Marinka Qaza maanta oo Jimca ah, iyadoo dhinaca kale ay socdaan dadaalo la doonayo in xabad joojin lagu dhex dhigo labada dhinac.

Saraakiisha Falastiin ayaa sheegay in dadka ku dhintay duqeynta maanta dhacday ay ku jiraan nin u qaabilsan jabadda Falastiiniyiinta ee Islamic Jihad dhinaca dacaayadda iyo laba wiil oo uu dhalay, dhimashadaas oo tirade geerida Qaza gaarsiineysa ilaa iyo 800 oo qof.

Golaha Wasiirada Israel ayaa maanta oo Jimca ah lagu wadaa inay kulmaan si ey go’aan uga qaataan, inay sii kordhiyaan howlgalka milatari ee ay wadaan 18ka maalmood iyo in kale ama ay eegaan in la heli karo xabad joonin socota shan ilaa iyo todoba maalmood oo wada xaajoodyo lagu furi karo.

Sidoo kale maanta oo Jimca ah , Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ayaa qorsheynaya inay qabtaan dibad baxyo waaweyn oo midnimo ay ugu muujinayaan dadka reer Qaza.

Gelinkii dambe ee qamiistii shalayna ugu yaraan hal qof oo Falastiini ah ayaa lagu dilay in ka badan 150 kalena waa lagu dhaawacay dibad bax weyn oo Falastiiniyiin ay ka sameeyeen banaanka magaalada ay Israel heysato ee Qudus.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa socod ku soo maray inta u dhaxeysa Ramallah iyagoo ku sii jeeday Qudus.

Ciidamada Israel ayaa awood kala hortagay dibad baxayaasha.

Banaanbaxaasi ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu weynaa muddo 10 sanadood ah oo ka dhaca Daanta Galbeed.

Rabshado ayaa sidoo kale laga soo wariyay magaalooyinka Nablus, Bethlehem, iyo magaalada qadiimiga ah ee Qudus.

XS
SM
MD
LG