Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fallaagada Ukraine oo Wareejiyey Meydadka MH17


Tareen sida meydadka dadkii ku dhintey diyaaraddii Malaysia ee ku burburtey Ukraine ayaa gaarey magaalada ay dowladda maamusho ee Kharkiv ee bariga Ukraine.

Tareenka ayaa ka soo dhaqaaqey magaalada Torez oo ay gacanta ku hayaan xoogagga gooni u goosadka ee taabacsan Russia. Meydadka aya la filayaa in gacanta loo geliyo dowladda Netherlands, o ah waddanka ay dadka ugu badan kaga dhinteen burburka diyaaraddan.

Talaabada lagu soo daabulayo meydadka ayaa imanaya saacado kadib markii fallaagada bariga Ukraine ay sanduuqa wax duuba ee diyaaradda dhacdey ku wareejiyeen khubaro dhinaca duulimaadyada ah oo u dhashey dalka Malaysia.

Hoggaamiyaha fallaagada Alexander Borodai ayaa sheegay in wareejinta sanduuqa wax duuba ay ka dhacdey magaalada Donetsk, saacdo kadib markii uu khadka telefonka kula Hadley Raiisul Wasaaraha Malaysia Najib Razak.

XS
SM
MD
LG