Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine iyo Baaritaanka Diyaaradda Malaysia


Raiisul Wasaaraha Ukraine Arseniy Yatsenyuk ayaa ku yaboohay inuu hoggaanka baaritaanka la xiriira diyaaraddii la soo riday ee Malaysia ku wareejiyo dalka Netherlands oo ah waddanka ay dadka ugu badan kaga dhinteen masiibadaasi.

Isagoo ka hadlayey shir jaraaiid oo uu ku qabtey magaalada Kiev, Mr. Yatsenyuk waxaa kale oo dhaleeceyn dusha ka saarey xoogagga gooni u goosadka ee taabacsan Russia oo uu sheegay inay iyagu soo rideen diyaaradda. Waxaa kale oo uu sheegay in Moscow iyana ay arintani qeyb ahaan ku lug leedahay.

Dhanka kale saddex ruux oo baareyaal u dhashey Jarmalka ayaa gaarey goobta shilka uu ka dhacay. Madaxa kooxdaasi ayaa sheegay in qaabka loo xafidey meydadka ay u muuqato mid wanaagsan afar maalmood kadib markii uu shilka dhacay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta la filayaa inuu u codeeyo qaraar uu ku dalbanayo in beesha caalamka loo fududeeyo tegista goobta ay diyaaradda ku soo dhacdey.

XS
SM
MD
LG