Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine: Ruushka ayaa soo Riday Diyaaradda


Ukraine ayaa sheegtay inay hayso caddeyn buuxda oo muujinaysa in Ruushku uu door ku lahaa toogashadii falaagada Ruushka taageersan ay ku soo rideen diyaaraddii rakaabka ee Malaysia oo ay saarnaayeen 298 qof.

Madaxa sirdoonka Ukraine Vitaly Nada ayaa shir jaraa'di ku sheegay in falaagada aysan laheyn tababar ay ku adeegsan karto gantaalka casriga ah ee uu noociisu yahay BUK-1 ee diyaaradda lagu soo riday .

Dhinaca kale, Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in falaagadu ay goobta diyaaradu ku dhacday ay ka qaadeen 38 meydadkii rakaabka ahaa, lana geeyay magaalada ay falaagadu maamusho ee Donetsk.

Ukraine waxey sheegtay in falaagadu ay meydadkaasi soo qaadeen iyagoo taageero ka helaya khubaro ku hadleysay lahjada Ruushka, si loo baabi’iyo daliilaha muujinaya waxa diyaaradda ku dhacay.

Xukumadda Ruushka ayaan weli ka hadlin sheegashada Ukraine.

Wasiirka gaadiidka ee Malaisa ayaa isna sheegay in daliilo muhim ahaa laga baabi’iyay goobta burburka, arrintaas oo uu ku tilmaamay "hagar daamo" loo geystay dad musiibo ku dhintay.

XS
SM
MD
LG