Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Sheegatay Weerarkii Witu


Kooxda Alshabaab ayaa ee dalka Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weerar xalay ka dhacay Witu oo u dhow Lamu.

Hay'dda Laanqeyrta Cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in 7 qof ay dhinteen kaddib markii dabley ay rasaas ku fureen baabuur Bus ah.

Kooxaha gargaarka ah ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay xalay oo Jimce ahayd.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay in dhacdadan ay jawaab u tahay sheegashadii dowlada ee dhowaan ay sheegtey inay amaankooda sugtey gacanta ku hayso dhamaan deegaanadii ay ka dhaceen weeraradii hore ee dhulka Xeebta.

Waxaa kale oo ay Alshabab wacad ku martey inay qaadi doonto weeraro kale oo ay uga aargoosanayso joogitaankeeda ciidanka Kenya ee gudaha Somalia.

XS
SM
MD
LG