Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Diyaaradda Malaysia Waa La Soo Riday


Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in diyaaraddii rakaabka ee ay lahayd Malaysia hawada sare lagu qarxiyey bariga Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyey in diyaaradda gantaal lagu dhuftey, balse lama oga in gantaalkaasi uu ka yimid dhanka Russia ama Ukraine.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa waxay sidday 295 rakaab oo la rumeysan yahay inay wada dhinteen, waxayna ka soo kicitintey magaalada Amsterdam iyadoo ku sii jeedday Kuala Lumpur.

Ukraine waxay ku eedeysey kooxaha gooni u goosadka ee taabacsan Russia inay diyaaraddan soo rideen, halka fallaagadu ay iyana dhankooda sheegeen in diyaarad dagaal oo Ukraine leedahay ay soo ridday diyaaraddan rakaabka ah.

XS
SM
MD
LG