Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Dib u Bilowdey Weeraradii Gaza


Israel ayaa sheegtay inay dib u bilowdey weeraradii cirka ee ay ku haysey maliishiyaadka Hamas ee Marinka Gaza, saacado kadib markii ay aqbashey xabbad joojin ay soo jeedisey Masar.

Miltariga Israel ayaa sheegay in ciidamada ay rasaasta joojiyeen muddo lix saacadood ah, balse ay qaadeen tallaabo aargudasho ah markii maliishiyaadka Hamas ee Gaza ay ilaa 50 gantaal ku soo rideen Israel. Israel ayaa sheegtay in habka difaaca gantaalaha looga hortagey madaafiicdaasi ka imanayey dhanka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israeli Avigdor Lieberman ayaa difaacay xaqa waddankiisa u leeyahay inuu is difaaco.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa dhaleeceyey tallaabada Hamas ay ku diidday in colaadda la joojiyo.

Raiisul Wasaare Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu sii wado weerarada cirka ee ka dhanka ah Hamas haddii maliishiyaadka ururkaasi ay diidaan heshiiska xabbad joojinta.

XS
SM
MD
LG