Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo Dhaleeceysey Kenya


Kenya : explosion à Nairobi
Kenya : explosion à Nairobi

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dhibbaneyaashii rabshadihii dhacay 2007/2008 ee doorashadii Kenya ay weli sugayaan in caddaalad loo falo.

Waxay hay’addau sheegtay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatey inay si hufan baaritaan ugu sameyso dembiyadii horseeday in dad ka badan 1000 ay naftooda ku waayaan rabshadahaasi.

Amnsety ayaa soo saartey warbixin cusub oo ay ugu magac dartey “ Dad Weli u Oynaya inay Caddaalad Helaan”. Waxaa warbixintu ay ifineysaa sida rabshadahaasi ay u aafeeyeen nolosha dhibbaneyaasha.

Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ICC ayaa dacwad ku soo oogtey qaar ka mid ah saraakiisha Kenya oo ay ku jiraan Madaxweyne Kenyatta iyo ku Xigeenkiisa William Ruto, iyagoo lagu xiriirinayo rabshadihii dhacay doorashada kadib.

ICC ayaa ku eedeysey dowladda Kenya inay ku guuldareysatey inay la timaaddo iskaashi dhinaca baaritaanka rabshadahaasi la xiriira.

XS
SM
MD
LG