Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka ka Socda Bariga Ukraine


Dagaal ayaa ku baahay degaanno ku dhow magaalada Luhansk ee bariga Ukraine, iyadoo ciidamada dowladda ay isku dayayaan inay dib u qabsadaan dhulalkii ay dhowaan qabsadeen xoogagga gooni u goosadka ee taageersan Russia.

Fallaagada ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad xamuul qaadda oo milatariga Ukraine leeyihiin, wax yar kadib markii saraakiisha ciidamada amniga ee Ukraine ay ku dhawaaqeen inay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa Antonov An-26.

Video ay soo bandhigtey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya gawaarida dagaalka Ukraine oo lagu burburoyey weerar ka dhacay meel ku dhow Luhansk.

Kadib olole xooggan oo milatari oo ku dhowaad toddobaad socdey ayaa wasaaradda difaaca ee Ukraine waxay sheegtay in ciidamada ay qabsadeen tuulooyin ku xeeran magaalada ay falaagada ay haystaan oo ay ku nool yihiin qiyaastii 428,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG