Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jarmalka oo Eryey Diblomaasi Mareykan ah


Jarmalka ayaa waddankiisa ka eryey sarkaal sare oo American ah oo ka tirsan sirdoonka oo fadhigiisu ahaa Jarmalka. Talaabadan waxay ka dambeysey markii uu bilowdey baaritaan ka dhan ah laba ruux oo u dhashey Jarmalka, kuwaas oo lagu eedeynayo inay xog sir ah u gudbinayeen Mareykanka.

Sarkaalka la eryey ayaa lagu sheegay inuu yahay madaxii laanta sirdoonka Mareykanka ee Berlin, balse magaciisa lama shaacin.

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamanka ugu qaabilsan xakameynta ee Jarmalka, Clemens Binninger, ayaa xaqiijiyey gaarista go’aankan kadib kulan degdeg ah oo dhacay.

Waxaa uu Binninger sheegay in go’aankan uu jawaab u yahay waxa uu ugu yeerey iskaashi la’aan la xiriirta baaritaanka socda ee ku saabsan eedeymaha falal basaasnimo oo sannadkii hore dhacay.

Waxaa uu Mr Binninger hadalkan ula jeedaa fadeexaddii soo baxdey dhowaan ee lagu ogaadey in Hay’adda Sirdoonka Mareykanka NSA ay muddo ka badan 10 sanno basaastey raiisul wasaareyaashiiJarmalka.

Arbacadii, booliska Jarmalka waxay baareen guri uu leeyahay nin looga shakisan yahay inuu la shaqeeyo sirdoonka Mareykanka. Warbaahinta maxalliga waxay sheegtey in ninkaasi uu ka tirsan yahay milatariga Jarmalka. Toddobaadkii hore, boolisku waxay soo xireen nin ka tirsan sirdoonka Jarmalka oo ay rumeysan yihiin inu in ka badan 200 oo dokumenti sir ah ka iibiyey Mareykanka.

Madaxa daraasaadka ee Golaha Yurub ugu qaabilsan Xiriirka Dibedda Hans Kundnani ayaa sheegay in falalka basaasnimada ay jahwareer weyn ku abuureen shacabka Jarmalka.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Berlin ayaa ka gaabsatey inay ka hadasho talaabada lagu eryey diblomaasiga ugu qaabilsanaa sirdoonka, laakiin waxay sheegtay in xiriirka dhinaca amniga eek a dhexeeya Mareykanka iyo Jarmarka uu weli yahay muhiim, isla markaana yahay mid sugaya amaanka shacabka labada dal.

Safaaraddu waxay intaa ku dartey inay lagama maarmaan tahay jiritaanka xiriir dhow oo dhan kasta ah oo ay yeeshaan Mareykanka iyo Jarmalka.

XS
SM
MD
LG