Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxdii Laamaha Amniga oo Xilalkii laga Qaaday


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Raiisul Wasaaraha Somalia Abdiweli Sheikh Ahmed ayaa magacaabey wasiirka cusub ee Amniga Qaranka, isla markaana xilalka ka qaadey taliyeyaashii ciidamada booliska iyo nabadsugidda.

Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka waxaa uu noqonayaa Khaliif Ahmed Ere goo horey uga tirsanaa saraakiisha ciidamada nabadsugidda ee gobolka Banaadir.

Waxaa xilalkoodii waayey oo shaqada laga eryey General Abdihakim Saacid oo ahaa taliyahii booliska iyo General Bashir Mohamed Jaamac oo ahaa taliyaha ciidamada nabadsugidda qaranka.

Taliyaha cusub ee booliska ayaa waxaa loo magacaabey Mohamed Sheikh Ismail, halka Mohamed Abdullahi Hassan loo magacaabey inuu noqdo taliyaha ku meel gaarka ah ee ciidamada nabadsugidda.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Mustaf Sheikh Ali Dhuxulow ayaa ku dhawaaqey isbeddeladan lagu sameeyey madaxda sare ee laamaha amniga oo imanaya wax yar kadib markii weerar lagu qaadey xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

XS
SM
MD
LG