Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan: Shabab ma Qabsan Madaxtooyada


Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay ka hadlay weerarkii lagu qaaday Villa Somalia, ayaa beeniyay in ururka alShabab uu qabsaday ama ka dhex-dagaallamay gudaha madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa idaacadda iyo TV-ga dowladda u sheegay inuu joogo oo degan yahay madaxtooyada, isla markaana uu caafimaad qabo. Xasan Sheekh ayaa sheegay in argagixisadu ay been iyo warar ku tiri-teen ah ay ku qorayaan internet-ka, balse wuxuu sheegay in dowladdiisu aysan waxba u dhimayn hadallada ay internet-ka ku qorayaan.

Xasan wuxuu yiri "Shabab awood u malaha inay qixiyaan dowladda ama saraakiisha dowladda" wuxuu sheegay in dawladiisu ay ka mug weyn tahay mid wax ay u dhimo karto ururka Alshabab.

Wasiirka warfaafina Mustaf Sheekh oo akhriyay hadal qoraal ah oo xafiiska madaxweynaha ka soo baxay, ayaa ka hadlay weerarkii dhacay.

Mustaf wuxuu sheegay in afar qof oo watay baabur ay ku lug lahaayeen weerarkii madaxtooyada, iyadoo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay fashiliyeen weerarkaasi.

Mustaf wuxuu sheegay in saddex ka mdi ah afartaasi la dilay, kan afraadna la hayo. Wasiirku kama hadlin khasaaraha dowladda soo gaaray, hasse yeeshee afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa VOA u sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen weerarka.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa VOA u sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa laba askari oo ka tirsan ciidamada ilaaliya madaxtooyada.

Warbixin iyo wareeysi weerarkaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:12:39 0:00

XS
SM
MD
LG