Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dionne oo Noqdey Raiisul Wasaaraha Cusub ee Senegal


Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa xilka raiisul wasaarenimada dalka u magacaabey Mohammed Dionne.

Mr. Dionne waa shakhsigii 3aad ee jagadaasi qabta tan iyo markii uu Mr. Sall uu ku guuleystey doorashadii madaxtnimada ee sannadkii 2012-ka.

Waxaa uu xilka kala wareegaya Aminata Toure, oo toddobaadkii hore xilka laga qaadey kadib markii xisbigeeda uu guuldaro kala kulmey doorashooyinkii dowladaha hoose.

Mr. Dionne waxaa maalintii shaley sheegay in madaxweynaha uu gacanta u geliyey qorshe hawleed u baahan inuu degdeg u hawlgalo.

Intaan xilka raiisul wasaarenimo loo magacaabin waxaa uu ka soo shaqeeyey Qaramada Midoobay iyo isagoo wasiir soo noqdey.

XS
SM
MD
LG