Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Suuq ku Yaalla Nigeria


Firefighters try to contain a fire at an informal diesel fuel depot in Lagos, Nigeria on Thursday, Feb. 16, 2012.
Firefighters try to contain a fire at an informal diesel fuel depot in Lagos, Nigeria on Thursday, Feb. 16, 2012.

Gaari bam lagu soo rakibey ayaa ku qarxey suuq ku yaalla waqooyiga bari ee Nigeria, waxaana ku dhintey siddeed qof.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay gaari xamuul ah oo dhuxul saaran uu qaraxan ka geystey magaalada Maiduguri, isla markaana uu sababey in dhowr gaari uu dab qabsado.

Ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Islaamiyiinta Boko Haram ayaa horey dhowr jeer weeraro uga geysatey Maiduguri iyo qeybo kale oo Nigeria ka tirsan.

Maalintii Axadda, dabley looga shakisan yahay inay yihiin maliishiyaad Islaami ah ayaa in ka badan 50 qof ku diley afar xaafadoood oo ilaa 125 km u jira Maiduguri.

Weeraradaasi waxay ka dhaceen isla goobtii maliishiyaadka Ururka Boko Haram ay bishii April ka afduubeen 270 hablood oo dugsi halkaa ku yaalla wax ka baranayey.

XS
SM
MD
LG