Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali lagu Gubay Koonfur Afrika


Afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu gubay dukaan ku yaalla duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Laba ka mid ah afartan qof ayaa ku jira cisbitaal, iyadoo midkood xaaladdiisu ay aad u liidato.

Afartan qof waxay ka mid yihiin ganacsatada Soomaalida ee dukaamada ku leh magaalada Johannesburg.

Maxamed Shuuriye Rooble oo ay ehelo yihiin afartan qof ayaa VOA u sheegay in shilkan uu ka danbeeyey nin u dhashay dalka Konfur Africa oo sida uu sheegay diidan ganacsigooda oo ku sii fidaya xaafadda Denver ee duleedka magaalada Johannesburg.

Tiro ka badan boqollaal Soomaali ah ayaa lagu dilay gudaha dalka Koonfur Afrika, waxaana dilalkooda loo aanaynayaa dad ka soo horjeeda ganacsiga ay Soomaalidu ka wado gudaha Koonfur Afrika.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:03 0:00

XS
SM
MD
LG