Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Isbitalka Keysaney


Sawir
Sawir

Qarax ka dhashay mab lagu soo xiray gaari oo maanta ka dhacay Isbitalka Keysaney ayaa waxaa ku dhintay kalkaaliye caafimaad laba qof oo kalena wey ku dhaawacmeen
.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Maamulka Gobolka Banaadir oo booqday cusbitalka ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa bam lagu xiray gaariga Dr Cabdiqaadir Xuseen Jimcaale (Xoogga ) oo Isbitalka ka howlgala.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay kaaliyihii dhaqtarka Mahad Cabdi Xaafid, laba qof oo kale oo ka mid ahaa dad baxnaaninta eheladoda Isbitalka ku jira u joogayna halkaasna wey ku dhaawacmeen.

Ma jirto cid weli cid sheegatay masuuliyadda Qaraxa.

Horey qaraxyo ka dhacay Makhaayado, hotello iyo xafiisyo dowladeed ayaa waxaa sheegtay ururka Al-shabab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidmada xulufada la ah.

Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku dhintay dad rayid ah, sarakiil dowladeed, dhaqaatiir kuwo shisheeye ay ku jireen, arday iyo waalidiin.

Laakiin, waxaa ku cusub dhegaha reer muqdisho qarax ka dhaca Isbital gudihii.
XS
SM
MD
LG