Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh Atam oo Dowladda Isku Dhiibay


Sheekh Atam
Sheekh Atam
Sheekh Maxamed Siciid Atam, oo ahaa hoggaamiyihii maleeshiyada al-Shabaab ee buuraha Gal-Gala ayaa isku dhiibtay dowladda Soomaaliya kadib markii uu ka soo goostay al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sheekh Atan ku soo bandhigtay wasaaradda Warfaafinta ee Muqdisho, waxaana war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso go’aanka uu Atam uga soo baxay ururka al-Shabaab.

Maxamed Siciid Atam ayaa isna qoraal uu soo saaray ku sheegay in al-Shabaab uu uga soo baxay kadib markii uu oggaaday in ururka iyo hoggaankiisuba ay banneysteen dhiiga shacabka ee Muslimka ah, isla markaana Axmed Godane, madaxa al-Shabaab iyo ururkiisu ay ku hayaan shacabka Soomaaliya dhibaato.

Sheekh Atam, wuxuu sheegay in imika wixii ka danbeeya uu fikirkiisa ku gudbin doono qaab nabadeed iyo isfaham.

Atam ayaa ahaa hoggaamiye dagaal, wuxuuna ku biiray al-Shabaab sannadkii 2010-kii.

Maleeshiyada Atam ayaa dagaallo qaraar ku qaaday cidiamada maamulka Puntland ee buuraha Galgala oo u dhow magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas oo VOA wareysi siiyay, ayaa soo dhaweeyay in Sheekh Atam uu ka baxo al-Shabaab, wuxuuna sheegay inuu filayo in kuwa kale ee ku harsan alShabab ay iyaguna talaabo taasi la mid ah qaadi doonaan.
XS
SM
MD
LG