Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Obama oo Yurub Booqanaya


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ku yaboohay hal bilyan oo dollar oo sare loogu qaadayo tababarada iyo hawlaha kale ee milateriga Yurub. Waxaana qorshahan sidoo kale ku jira in ciidamo dheeri ah la geeyo Badda Madow iyo Badda Baltic.

Qorshahan ayaa la shaaciyey markii Madaxweyne Obama uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Poland Bronislaw Komorowski , isagoo ku guda jira lugtii ugu horeysey ee socdaa uu ku marayo saddex dal oo Yurub ka mid ah. Socdaalkan ayaa la filayaa in si weyn u hareyn doonto xasaradda ka aloosan Ukraine.

Obama ayaa sidoo kale waxaa uu ugu baaqey Russia inay joojiso dhammaan dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo Ukraine, haddii ay sidaa yeeli weysana lagu soo rogi doono cunaqabateyn hor leh oo dhaqaale. Waxaa kale oo uu Madaxweyne Vladmir Putin ugu baaqey inuu kulan la yeesho hoggaamiyaha Ukraine Petro Poroshenko.

Waxaa kale oo uu sheegay inuu madaxweynaha Poland kala Hadley taageerada in la kordhiyo joogitaanka gaashaanbuurta NATO ee Yurub, taas oo jawaab looga dhigayo go’aankii Russia ay dhulka Crimea ugu darsatey dalkeeda bishii March.
XS
SM
MD
LG