Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Muranka Kulmiye oo Xiisado Dhaliyay


Muranka u dhaxeeya xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ayaa sababay in 10 qof oo uu ku jiro wasiir-ku-xigeenkii amniga Somaliland xabsiga loo taxaabay.

Xisbiga Kulmiya ayaa u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyo.

Ciidamada amniga ayaa wasiir-ku-xigeenka Cabdilaahi Abokor gurigiisa xalay xoog ku galay, iyadoo halkaasi ay ka dhaceen iska-horimaad dhexmaray iyaga iyo ilaalada wasiir-ku-xigeenka, waxaana halkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiii wasiir-ku-xigeenka.

Dhinaca kale meel u dhow madaxtooyada Hargeysa waxaa ka dhacay qaraxii 2aad ee Hargeysa ka dhaca muddo 24-saac gudahood ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde ayaa qaraxyadan ku xiriiriyay khilaafka ka dhextaagan xisbiga Kulmiye.

Saleebaan Maxamed Adan, guddoomiyaha golaha guurtida oo VOA wareysi siiyay ayaa labada dhinac ugu baaqay inay khilaafkooda si nabad ah ku xaliyaan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:05 0:00
XS
SM
MD
LG