Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muuse Biixi oo ka Hadlay Khilaafka Kulmiye


Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa waraysi gaar ah uu siiyay VOAda waxaa uu uga hadlay aragtidiisa ku addan khilaafka xisbiga Kulmiye.

Waraysiga Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu soo saaray maanta liis cusub oo gole dhexe ah oo ka kooban laba boqol iyo afar iyo afartan xubnood oo xisbigaasi yeelanayo, waxaa hore u jiray Gole dhexe oo shirguddoonka shirweynihii Kulmiye soo saaray, arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka u dhexeeya Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay xadhig loo geystay masuuliyiin isaga taageersan, iyo halka uu marayo wadahadal uu sheegay inay guurtidu waddo iyo halka uu salka ku hayo khilaafka Kulmiye.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:16 0:00
XS
SM
MD
LG