Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo la Ansixiyay


Dastuurka
Dastuurka
Golaha wasiirada ayaa maanta anxisiyay guddi madaxbannaan oo dib u eega dastuurka Soomaaliya. Guddigan waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo kala ah;
  • Prof. Xasan Cumar Mahad-alle
  • Caasho Geelle Diiriye
  • Avv. Maxamed Cabdalla Saalax
  • Avv. Xasan Xuseen Xaaji
  • Cismaan Jaamac Kaluun.

Liiska guddigan waxaa gollaha wasiiradda u soo gudbisay wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka.

Guddigan ayaa howshiisu noqonaysaa inuu dib u eegis ku sameeyo dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay anisixiyeen ergooyin ka badan 620 bishii August 2012.

XS
SM
MD
LG