Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhismaha Baarlamaanka oo la Weeraray


Dhismaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa weeraray rag hubeysan. Ugu yaraan 8 askarta Soomaalida iyo kuwa AMISOM ayaa dhintay, waxaana sidoo kale la dilay 8 ka mid ahaa kuwii weerarka soo qaaday

Weerarka ayaa ku bilowday qarax baabuur oo ka dhacay albaabka dhismaha, kadibna raggga hubeysan ayaa dagaal waxay la galeen ciidamada ilaalinayay baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa VOA u sheegay in 10 ka tirsan askarta dowladda iyo kuwa AMISOM ay dagaalka ku dhinteen. Afhayeenku wuxuu sheegay inay dileen dhammaan raggii weerarka soo qaaday oo tiradoodu ahayd 8 qof.

Aweys Cabdilaahi Ibraahim oo ka tirsan baarlamaanka ayaa VOA u sheegay in weerarku bilowday wakhti ay xidlhibaannadu u fadhiyeen kulan uu hoggaaminayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee baarlamaanka.

Weerarkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 4 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka.

Ururka al-Shabab ayaa sheegtay mas'uliyadda weerarkan.

RW Soomaaliya, C/weli Sheekh iyo Ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa labaduba canbaareeyey weerarka.
XS
SM
MD
LG