Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Cambaareysey Afgembiga Thailand


Qaçqınlar qatarlarla Vyanadan Salzburqa yola düşür
Qaçqınlar qatarlarla Vyanadan Salzburqa yola düşür
Mareykanka ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay talaabada milatariga ay kula wareegeen awoodda dowladda Thailand, waxaana war ay soo saartey xukuumadda Washington lagu sheegay inaaney jirin sabab loo sameeyo afgembi.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, John Kerry waxaa uu sheegay inuu ka walaacsan yahay wararka sheegaya hoggaamiyeyaal sare oo siyaasadeed ay xireen milatariga Thailand. Waxaa uu ku baaqey in si deg deg ah loo soo daayo, isla markaana la soo celiyo hanaankii dimoqraadiyadeed ee waddanka ka jirey.

Kerry waxaa kale oo uu ka digey in afgembiga milateri uu saameyn xun ku yeelan doono xiriirka Mareykanka iyo milatariga Thailand.

Waxaa hadalkan sheegay saacdo kadib markii taliyaha guud ee ciidamada General Prayuth Chan-Ocha uu televishanka kaga dhawaaqey afgembiga ay sameeyeen, laba maalmood kadib markii uu ku dhawaawey xukunka degdegga ah.

Waxaa uu sheegay in talaabada lagu hakiyey dastuurka looga gol leeyahay in lagu soo celiyo amarka iyo kala dambeynta, horeyna loogu wadayo isbedelada siyaasadeed.

Waxaa kale oo uu General Chan-Ocha ku amrey raiisul wasaaraha Ku Meel Gaarka ah iyo golihiisa wasiirada inay iska xaadiriyaan taliska ciidamada.
XS
SM
MD
LG