Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW oo Eedeyn Kulul u Jeedisay Kenya


Booliska Nairobi
Booliska Nairobi
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00

​Hay’adda xuquuqda Aaadnaha ee Human Rights Watch ayaa dowladda Kenya ugu baaqday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo afjarto howlgallada ka dhanka ah dadka ajanabiga ah kuwaasi oo lala xidhiidhay xadgudbyo isugu jira, xadhig, tarxiilka dadka, waxa kale oo loogu baaqay joojinta qaxootiga ay sida qasabka ah ugu celinayso xeryahah qaxootiga.

Warbixin ay soo saartay hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee Kenya ay bilaabeen 1dii bishii April hawlgallo dhinaca ammaanka, hawlgaladan ayay HRW ku tilmaantay kuwa ay ku badnaayeen xadgudbyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.

Warbixinta ayaa xustay in ciidamada dawladda Kenya ay galeen guryaha iyo goobaha ganacsiga iyaga oo sida ay warbaxintu xustay boobay oo biliqaystay hantidii guryaha iyo tukaamada taalla sida tilifoonada gacanta, lacag, iyo qalab kale.
XS
SM
MD
LG