Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Baydhabo


Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay waxaa galabta ka dhacay qarax baabuur oo ay ku dhinteen in kabadan 10 qof, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen in kabadan 20meeyo kale.

Qarax ayaa waxaa la sheegay in lagu bartilmaameedsanayay guddoomiyihii hore ee gobolka Bay C/fitaax Maxamed Geeseey oo haatan ka tirsan mas’uulliyiinta maamul-goboleedka koonfur-galbeed.

Waraysi uu siiyay laanta af soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in baabuurkiisa lala soo beegsaday baabur kale oo uu waday qof isa soo miidaamiyay.

Waraysiga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00
XS
SM
MD
LG