Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Qoraal u Gudbiyey Madaxweynaha


Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Xasan
Xildhibaanno tiradoodu kor u dhaaftay 100 ayaa maanta madaxweynaha u gudbiyay qoraal ay uga dalbanayaan inuu xilka ka dago.

Guddi ka socday xildhibaannadan ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha, iyagoo u gudbiyay qoraal rasmi ah oo ay ku codsanayaan inuu iscasillo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddigan u sheegay inuu ixtiraamayo fikirkooda, balse ay tahay inay soo maraan wadada saxda ah ee dastuurka.

Xidlhibaannadan ayaa madaxweynaha ku dhalillay inuu fashilmay, isla markaana ay guuldareysatay siyaasadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale qoraalka u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka iyo ergayga gaarka XGQM ee Soomaaliya Nicholas Kay.

Mr. Kay ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay bogga twitter-ka, wuxuu sheegay inuu dhageystay walaaca ay soo gudbiyeen xildhibaannadan, sidoo kalena uu rajaynayo in arrintan xal loo heli doonto.

Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wareysi uu siiyay VOA uga hadlay go'aanka xildhibaannadan. Inkasta oo Cabdiweli ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo aragtidiisa ku aadan go'aanka xildhibaanna, laakiin wuxuu beeniyay dhaliisha ka imanaysa xildhibaanadan ee sheegaysa in siyaasadda dowladdu ay guul-dareystay.
XS
SM
MD
LG