Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex American oo Lagu Diley Afghanistan


Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kabul ayaa sheegtay in saddex nin oo American ah lagu diley maanta weerar ka dhacay isbitaal ku yaala caasimadda Afghanistan.

Booliska Afghanistan ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladii isbitaalka uu rasaas furey. Isbitaalkaasi waxaa maamula hay’ad gargaar oo Mareykanka laga leeyahay. Mid ka mid ah saddexda qof ee la diley ayaa ahaa dhakhtar.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sediq Sediqqi ayaa xaqiijiyey in ninka dilka geystey uu ka tirsanaa ciidamada booliska, haatanna gacanta lagu hayo. Waxaana uu falkani ku tilmaamey inuu ahaa mid nasiibdarro ah.

Ilaa iyo haatan lama oga in ururka Taliban uu ka dambeeyey weerarkan.
Ajaanibika rayidka ah ee ku dhaqan Afghanistan ayaa bartilmaameed u noqdey weerarada sii kordhaya ee sannadkan dhacay.

Horaantii bishan sarkaal booliska ka tirsan ayaa toogtay laba weriye oo ka tirsanaa wakaaladda wararka ee AP.

Bishii March, weriye u dhashey Sweden ayaa lagu hor diley makhaayad ku taalla magaalada Kabul.

Bishii January 21 qof ayaa lagu diley weerar bambaano oo ka dhacay makhaayad Lubnani ah oo ku taalla Kabul, gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin diblomaasiyiinta.
XS
SM
MD
LG