Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Qaadey Xero UN ku Leedahay S.Sudan


Civilians crush up against the gates of the UNMISS compound in Bor, Jonglei state, days after South Sudan erupted in violence in December 2013.
Civilians crush up against the gates of the UNMISS compound in Bor, Jonglei state, days after South Sudan erupted in violence in December 2013.
Mas’uuliyiinta Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in rag hubeysan ay weerareen xero Qaramada Midoobay ay leedahay oo ay ku jireen ilaa 5,000 oo qof oo rayid ah iyo ciidamo nabad ilaalin ah oo Qaramada Midoobay ka socda, halkaasina ay ku dileen labaatan qof, 60 kalena ay ku dhaawaceen.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhalinyaro hubeysan ay xoog ku galeen xarunta Qaramada Midoobay ee Suudaanta Koonfureed ee magaalada Bor oo ah xarunta gobolka Jonglei, kadibna ay rasaas fureen.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa weerarkaasi ku tilmaantey inuu ahaa mid waxashnimo ah oo lala beegsadey shacab aan hubeysneyn.

Waxay intaa ku dartey in Mareykanku la shaqeyn doono waddamada ay isku bahda yihiin si loo ogaado cidda ka dambeysa waxa ay ugu yeertey weerarkan argagaxa ah, isla markaana sharciga loo horkeeni lahaa kuwii ka dambeeyey.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa weerarka lagu qaadey shacab ku hoos jira Qaramada Midoobay inuu yahay mid xadgudub ah.

Dhanka kale afhayeenka mucaaradka Suudaanta Koonfureed, James Gatdet Dak, ayaa cambaareeyey waxa uu ku tilmaamey weerarka arxandarrada ah ee lagu qaadey shacab aan hubeysneyn oo weliba aan wax dembi ah gelin.
XS
SM
MD
LG