Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Hawlgalo ka Bilowdey Bariga Dalka


Pro-Russia armed men stand guard outside the mayor's office in Slovyansk, Donetsk region, eastern Ukraine, April 14, 2014.
Pro-Russia armed men stand guard outside the mayor's office in Slovyansk, Donetsk region, eastern Ukraine, April 14, 2014.
Madaxweynaha Ku Meel Gaarka ee Ukraine ayaa sheegay inuu bilaabay hawlgal ka dhan ah dadka banaanbaxyada dhigaya ee taageersan Ruushka, kuwaa oo qabsadey dhismeyaasha dowladda ee ku yaalla bariga Ukraine.

Oleksander Turchynov ayaa baarlamanka u sheegay in ciidamada dowladda ay hawlgal ka bilaabeen gobolka Donetsk, halkaas oo kooxaha taageersan Moscow ay iska dhegatireen digniintii Kiev ee looga dalbanayey inay isa soo dhiibaan.

Mr. Turchynov ayaa intaa ku darey in hawlgalka loo fulinayo si tartiib tartiib ah oo taxaddar ku dheehan tahay.

Kooxaha banaanbaxyada dhigaya ee Ruushka taageera ayaa sii adkeeyey haysashada dhismeyasha dowladda.

Dowladaha reer galbeedka ayaa ku eedeeyey Moscow inay gacansiineyso banaanbaxyada ka socda bariga Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khadka telefonka digniin ugu jeediyey Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoo u sheegay in Moscow haddii ay sii waddo faragelinta Ukraine ay cawaaqib xun kala kulmi doonto.

Mr. Putin ayaa isna ku booriyey Mr Obama inuu ka dhaadhiciyo dowladda Ukraine inaaney xoog u adeegsan dadka banaanbaxyada dhigaya.
XS
SM
MD
LG