Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Jira Bariga Ukraine


A masked man stands in front of barricades and Soviet era red and Russian national flags at an entrance to the regional office of the security service in Luhansk, Ukraine, April 9, 2014.
A masked man stands in front of barricades and Soviet era red and Russian national flags at an entrance to the regional office of the security service in Luhansk, Ukraine, April 9, 2014.
Dowladda Ukraine ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii ay u xajin lahayd gacan ku haynta magaalooyinka muhiimka ah ee ku yaalla degaannada Ruushka taabacsan ee bariga dalka, halkaas oo dad banaanbaxyo dhigaya ay qabsadeen dhismeyaasha dowladda, isla markaana dalbanaya in la qaado afti u suuragelinaya inay Ruushka ku biiraan.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in rasaas la ridey, kadibna magaalada Kharkiv lagu qabqabtey 60 qof oo ka mid ahaa kuwii banaanbaxyada dhigayey. Qaar ka mid ah dadka banaanbaxyada dhigaya ee taageersan Ruushka aya qabsadey dhismeyaal dowladda leedahay oo ku yaalla magaalada Donetsk.

Magaaalada kale ee la yiraahdo Luhansk, ayaa waxaa mas’uuliyiinta Ukraine ay sheegeen in 50 qof loo oggolaadey inay ka tagaan xarunta dhexe nabadsugidda dowladda, halkaas oo dadka taageersan Ruushka la sheegay inay ku haysteen 60 qof. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dadka banaanbaxyada ay xarko walxaha qarxa ah ku wareejiyeen dhismaha.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa ku eedeeyey sirdoonka Ruushka iyo ciidamada gaarka ah inay gadaal ka riixayaan rabshadaha la doonayo in dalka lagu kala gooyo ee Bariga Ukraine.

Waxaa uu falalka Ruushka ku tilmaamey inay yihiin xeelad la doonayo in faragelin milateri lagu sameeyo sidii ka dhacdey gacanka Crimea.

Kerry waxaa uu guddi ka tirsan senate-ka u sheegay in faragelinta xukuumadda Moscow ee Ukraine ay tahay mid cad oo aan leex leexad lahayn. Waxaa uu intaa ku darey in Madaxweyne Barack Obama uu diyaarinayo cunaqabateyn adag oo lagu soo rogo Ruushka haddii uu sii wado falalka lagu carqaladeynayo xasiloonida Ukraine.
XS
SM
MD
LG