Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriyeyaal Lagu Toogtay Afghanistan


Journalists Kathy Gannon and Anja Niedringhaus, were shot in Khost province, Afghanistan
Journalists Kathy Gannon and Anja Niedringhaus, were shot in Khost province, Afghanistan
Mas’uuliyiinta dalka Afghanistan ayaa sheegay in askari booliska ka tirsan uu toogtey laba dumar ah oo weriyeyaal ajnabi ah, oo midi ay dhimatey, mid kalena uu dhaawac soo gaarey, iyadoo waddankaasi shacabka ku nool ay beri isku diyaarinayaan doorashada madaxweynaha.

Weriyaha dhimatey ayaa magaceeda lagu sheegay Anja Niedringhaus, oo 48 jir ahayd, una dhalatey Jarmalka, waxayna u shaqeyneysey wakaaladda wararka ee Associated Press. Weriyaha kale oo iyana ka tirsan , Kathy Gannon ayaa xaaladdeeda ay deggan tahay markii laba jeer la toogtay.

Mas’uuliinta ayaa sheegay in dhacdadaasi kadib, sarkaalkii booliska ee toogashada geystey lagu xiray saldhig boolisku ku leeyihiin gobolka Khost ee bariga dalka ku yaalla.

Wakaaladda wararka ee The Associated Press ayaa sheegtay in labada weriye ay ku safrayaan kolonyo gawaari ah oo ay wateen shaqaalaha doorashada oo agabka doorashada ka soo qaadey bartamaha magaalada Khost, isla markaana geynayay goobo ku yaalla duleedka magaalada markii la weerarey.

Iyagoo gaarigooda ku jira, suganayana inay dhaqaaqaan, ayaa taliye unug oo ka tirsan booliska uu u dhaqaaqey dhanka gaariga weriyeyaasha, isagoo ku qaylinaya "Allahu Akbar" kadibna uu rasaas oodda kaga qaaday weriyeyaasha.

Niedringhaus ayaa isla goobta ku qur baxdey, halka Gannon lagu soo waramayo inay ku jirto xaalad deggan.

Tifaftiraha sare ee AP, Kathleen Carroll ayaa magaalada New York ka sheegtay in "Anja iyo Kathy dhowr sanno ka wada shaqeynayeen Afghanistan, iyagoo ka soo waramaya dagaalka halkaa ka jira iyo nolosha dadka intaba.."
XS
SM
MD
LG