Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine oo Russia Eedeymo u Jeedisey


Ukraine
Ukraine
Mas’uuliyiinta dalka Ukraine ayaa ku eedeynaya sirdoonka Ruushka iyo madaxweynihii talada laga tuuray ee Ruushka taageersanaa inay ka dambeeyeen rabshado horaantii sannadkan dhacay markii ay socdeen banaanbaxyadii dowladda looga soo horjeeday, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan boqol qof. Saraakiisha ayaa sheegay in dadka la dilay badankooda ay toogteen rag meelo qarsoon wax ka soo tooganayey.

Dhimashada dadka banaanbaxyada dhigayey ee ka dhacay magaalada Kiev ayaa dhaliyey in la isla dhexmaro warar sheegaya inay jiraan shirqoollo la maleegay.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dadka banaanbaxyada dhigayay ay ahaayeen kuwo hubeysan , isla markaana qorshahooda uu ahaa inay magac dilaan dowladdii uu horkacayay madaxweyne Viktor Yanukovych.

Sii hayaha jagada wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine Arsen Avakov ayaa booliska gaarka ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ku xiriiriyey inay iyagoo fulinaya amarka Mr Yanukovych, ay dileen 17 ka mid ah dadkii banaanbaxyada dhigayey.

Madaxa nabadsugidda Ukraine Valentyn Nalyvaychenko, ayaa sheegay in caddeymo la hayo ay muujinayaan in sirdoonka Ruushka ay ku lug lahaayeen qorshaha iyo fulinta hawlagalladii booliska ee bishii February.
XS
SM
MD
LG