Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Danjiraha USA ee India oo is Casishey


FILE - U.S. Ambassador to India Nancy Powell speaks at an event, in New Delhi, India, July 10, 2012.
FILE - U.S. Ambassador to India Nancy Powell speaks at an event, in New Delhi, India, July 10, 2012.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in is-casilaadda danjiraha Mareykanka u fadhidey India, Nancy Powell aanay wax lug ah ku lahayn wax xiisad ah oo labada dal ka dhexeeya oo ku saabsan xiriirka mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Afhayeen u hadashey wasaaradda arrimaha dibedda, Marie Harf ayaa sheegtay in Danjire Powell ay hore u qorsheysatey inay ka nasato hawlaha dowladda.

Harf ayaa intaa ku dartey inaaney ogayn sababta danjiraha ay haatan ugu dhawaaqdey is-casilaaddeeda, laakiin waxay shegtay in wararka kutiri kuteenka ah ee la is la dhexmarayo in gebigoodba ay been yihiin.

Bishii February, Powell waxay la kulantey hoggaamiyaha mucaaradka ee India Narendra Modi, kaas oo laga yaabo inuu noqdo raiisul wasaaraha xiga ee India doorashooyinka baarlamaniga ee soo socda kadib.

Saraakiisha Mareykanka ayaa horey u diiddanaa inay la kulmaan Mr Modi.
Mareykanka ayaa warqadaha dal ku galka ama Visa-ha kala laabtey sannadkii 2005, isagoo lagu eedeeyey inuu door ka qaatay rabshadihii looga soo horjeeday Muslimiinta eek a dhacay Gujarat sannadkii 2002, kuwaas oo in ka badan 1,000 ay ku dhinteen.

Raiisul Wasaaraha India ee xilka ka degaya Manmohan Singh ayaa sheegay inay masiibo noqon doonto haddii Modi uu noqdo raiisul wasaare.
XS
SM
MD
LG