Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO oo ka Arrinsanaysa Xaaladda Crimea


FILE - Flags fly at the Alliance headquarters in Brussels during a NATO ambassadors meeting on the situation in Ukraine and the Crimea region.
FILE - Flags fly at the Alliance headquarters in Brussels during a NATO ambassadors meeting on the situation in Ukraine and the Crimea region.
Wasiirrada arrimaha dibedda ee gaashaanbuurta NATO ayaa maanta kulan ku leh magaalada Brussels, iyagoo ka wadahadlaya sidii ay jawaab adag uga bixin lahaayeen talaabada Ruushka uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine.

Kulankani ayaa noqonaya kii ugu heer sareeyey ee waddamada ku jira gaashanbuurta NATO ay yeeshaan tan iyo markii ay bilaabatey xasaradda Ukraine bishii la soo dhaafey.

Diyaaradaha dagaalka ee NATO ayaa kordhiyey hawlo ay ku gaaf wareegayaan Baltics-ka, iyadoo Mareykankuna uu qorsheynayo in dhoolatus balaaran oo milateri uu la sameeyo Poland.

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in wasiirrada laga yaabo inay go’aamiyaan kordhinta dhoolatusyada milateri ee NATO, amaba inay saldhigyo joogto ah ka sameystaan bariga Yurub eek u dhow xadka Ruushka.

Ruushka ayaa goobaha ku dhow xadka Ukraine kala baxay boqolaal askari, laakiin kumanaan kale ayaa weli goobahaa ku harsan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov in ciidamada Ruushka ay xaalad cabsi ah ka abuurayaan gudaha dalka Ukraine.
XS
SM
MD
LG