Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo si KMG ah looga Saaray G8


Madaxweynaha Maraykank iyo quwado kale oo dunida ah ayaa iyaga oo doonaya inay go’doomiyaan dalka Ruushka Isniintii shalay xili aan la xadidin xukuumadda Moscow uga saaray ururka G8. Dalalkan ayaa sidoo qaadacay shir madaxadeed uu marti galin lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, shirkaas oo dhici lahaa misha June ee sanadkan.


Mr. Obama ayaa la kulmay madaxda Britian, Faransiiska, Germany, Talyaaniga, Canada, iyo Japan. Iyaga oo kulan degdeg ah qaatay, ayaa waxay shirkooda culeyska ku saareen qabsashada Ruushka ee gobolka Crimea.

Hadal wada jir ah oo ay soo saareen kulankooda ka dib, ayaa hogaamiyeyaashani ay sheegeen in ay hakinayaan xubin ahaanshaha Ruushka ee ururka dalalka 8da ah ee dunida ugu dhaqaalaha badan, ilaa Moscow ay bedesho sida ay wax u waddo.

Dalalka G-7 ayaa sheegay in halkii ay ka qeyb gali lahaayeen shir madaxeedkii ay 8da dal ku kulmi lahaayeen magaalada Sochi ee dalka Ruushka, ay u wareegi doonaan magaalada Brussels ee dalka Belguim oo ay isla bisha June ku kulmayaan.

Goor hore oo Isniintii shalay ayaa madaxweyne Obama uu sheegay in Yurub iyo Maraykanku ay ku mideysan yihiin taageerada dawladda Ukraine iyo dadka dalkaas.
XS
SM
MD
LG