Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Gacan ka Geysaneysa Baadigoobka Kony


Joseph Kony
Joseph Kony
Mareykanka ayaa labanlaabaya tirada ciidamadiisa gaarka ah ee uu dirayo inay ka qeyb qaataan ugaarsiga lagu hayo hoggaamiyaha dagaal ee reer Uganda, Joseph Kony.

Madaxweyne Barack Obama ayaa amrey in Uganda loo diro 150 askari oo wata afar diyaaradood oo nooca loo yaqaano CV-22, taas oo noqoneysa markii ugu horeysey ee Mareykanku uu diyaarado milateri diro si ay u raadiyaan halka ay ku dhuumaleysanayaan Kony iyo dagaalyahanadiisa.

Baadigoobka ayaa diiradda lagu saaraya kaymaha ku dherersan xudduudaha dalalka Jamhuriyadda Afrikada Dhexe, Suudaante Koonfureed iyo Jamhuriyadda Dimoqraadiga ee Congo.

Sannadkii 2011-ka Madaxweyne Obama waxaa uu gobolka u direy 100 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka , kuwaas oo gacan siinayey 5,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Africa.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka Pentagon ayaa sheegtey in ciidamada Mareykanka hawshoodu ay tahay inay xog iyo taageeraba fidiyaan, isla markaana hubka ay haystaan uu yahay mid loogu talogaley inay isku difaacaan uun.

Kony waxaa doondooneysa Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada, isagoo loo haysto 33 kiis oo la xiriira dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadminimada.
XS
SM
MD
LG