Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kalfadhiga Baarlamanka oo Furmay


Baarlamaanka Soomaaliya
Baarlamaanka Soomaaliya
Waxaa maanta si rasmi ah u furmay Kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka
Somalia.

Madaxweynaha dowladda Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud oo furay kal fadhiga ayaa khudbad uu ka jeediyay halkaasi ugu baaqay xildhibaanada Golaha Shacabka inay ka shaqeeyaan sidii buu yiri dowladda Somalia iyo Baarlamanka ay wada jir uga gudbi lahaayeen caqabadaha jira.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada faahfaahin ka siiyay howlgalada ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ay ka wadaan gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia iyo halka ay marayaan.

Wuxuu sheegay in ciidamada wada jirka ah ay maalin kasta dhul ka qabsanayaan Al-Shabab oo la baacsaday, laakin buu yiri weli ay khatar ku hayaan dalka ilaa laga sifeeyo.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Baarlamanka in la joogo waqtigii waxbaadka.

Sanadkan 2014kana ay baarlamanka Somalia horyaalaan ka gudbidda hindise sharciyeedyo muhim u ah bilaabidda nidaamka dimoqraadiyadda, si Somalia ay u gaarto buu yir halka ay higsaneyso oo doorashana ay dalka ka hirgashaa sanadka 2016.
XS
SM
MD
LG