Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye Sare oo Puntland Lagu Dilay


Degmada Galgala
Degmada Galgala

Taliye sare oo ka tirsan ciidmada Daraawiishta Puntland ayaa saakay lagu dilay duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Gaashaanle Dhexe , Jama Sa’id Warsame , oo loo yaqaan "Afgudud," ayaa dhintay sida VOA u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Al-shabab ay ku weerareen meel 20 KM u jirta Boosaaso.

Faahin suggan weli lagama hayo qaabka uu u dhacay dilka oo ay ka soo baxayaan warar iskhilaafsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid gaadmo ah oo ay jidka u galeen maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab taliyaha iyo ciidankii la socday, halka, warar kalena ay sheegayaan in qarax lala beegsaday taliyaha.

Weerarka ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladii taliyaha sadex kalena ay ku dhaawacmeen.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

Taliyahan ayaa hormuud ka ahaa ciidamada Daraawiishta Puntland ee dagaalka kula jirta Al-Shabaab agagaarka buuraha Galgalo, oo in muddo ahba ay fariisimo ku lahaayeen Maleeshiyo taabacsan Al-Shabab, oo ka amar qaata, Sheekh Maxamed Saciid Atom, oo Qaramada Midoobay ay ku sheegtay nin ka ganacsada hubka.
XS
SM
MD
LG