Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Buuloburde oo Laga Saaray Shabaab


Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa gacanta ku dhigay magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo xaruun muhiim ah u ahayd kooxda al Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa laanta af Somaaliga ee VOA u sheegay in magaalada gacanta lagu dhigay galinkii dambe ee Khamiista maanta.

Maagalada Buuloburde oo 185 Kiilomitir dhanka waqooyiga ka xigta caasimadda Muqdisho ayaa waxay isku xidhi jirtay dhulka ay al Shabaab maamusho ee koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Maleeshiyada al Shabaab ayaa u baxay dhinaca dhulka taagga ee bariga ee magaalada.

Buuloburde waa magaalada uu ka soo jeedo mid ka mid ah dhalinyaradii fuliyay weerarkii Westgate oo lagu magacaabo Yaxya Axmed Cusmaan.

halkan hoose ka dhageyso warbixinno iyo wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hiiraan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:17:49 0:00
XS
SM
MD
LG