Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo u Digay Russia


Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa digniin u jeediyay dawladda Ruushka, sidoo kale waxa uu dawladda Ukraine u gudbiyay deeq gaadhaysa hal bilyan oo doolar.

Kerry ayaa la kulmay madaxda dawladda KMG ee Ukraine oo ay maraykanku ku amaaneen sida ay isaga caabinayso cadaadiska Russia.

Xogahayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa ugu baaqay Ruushka inay xaqdhowraan doorasahada laga qaban doono dalka Ukraine bisha May.

Hase ahaatee Ruushka ayaa arrintaasi ku gacansaydhay iyada oo uu diiday in u aqoonsado madaxwenaha Ruushka Valadamir Putin, waxaana uu sheegay in madaxweyhnihi talada laga tuuray ee Viktor Yanukovych uu u aqoonsanyhay inuu yahay madaxweynha dhabta ah.

Putin ayaa shir jaraai'd oo uu ku qabtay Moosko waxaa uu ku tilmaamay dawladda KMG ah ee Ukraine dawlad ku timid afgambi hubaysan.

Inkasta oo ay jiraan muuqaalo Video ah oo caddaynaya joogitaanka ciidamada Ruushka gudaha Ukraine, ayaa hadana Madaxweyne Putin waxa uu diiday arrintaasi inay jirto,hase yeeshee waxa uu tilmaamay in ruushku uu xaq u leeyahay inuu qaado tallaabo milatari.

Putin ayaa sheegay in haddii uu qaado tallaabo miltari in ay ahaan doonto wax waaafqsan dhamaan shuruucda caalamiga ah, wuxuuna tilmaamay inuu baaq ka helay madaxweynha sharciga ah ee Ukraine, isaga oo intaasi ku daray in ruuushka uu waajib ka saaranyahay in uu difaaco dadka ay sida aadka ah isugu xidhan-yihiin.

Maalmihii u dambeeyaya ayaa waxa la arkayay askar aan wadan dharka ciidanka oo adeegsnaya hub Ruush ah in ay la wareegeen garoomada diyaaradaha iyo xaruumaha miltariga ee gacanka Crimea.

Madaxda KMG ah ee Ukraine ayaa sheegay in 16 kun oo askari oo Ruush ah inay gudaha u soo galeen Ukraine.

Gobolkaasi ayaa waxaa u badan dadka taageera ruushka kuwaasi oo soo dhaweeyay talaabada ay ruushku qaadeen inkasta oo dalka intiisa kale iyo caalamkaba talaabadan looga arkay inay tahay faragalin.
XS
SM
MD
LG