Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne lagu Doortey Shirka Baydhabo


Bartamaha Baydhabo
Bartamaha Baydhabo
Mid ka mid ah labadii shir ee iska soo horjeeday, kana socdey magaalada Baydhabo laguna soo dhisayey maamul goboleed ayaa maanta doortey madaxweyne.

Madaxweynaha cusub ee la doortey, Madoobe Nuunow Mohamed oo horey wasiir uga ahaa xukuumadihii KMG ee Somalia, ayaa hoggaamin doona maamul goboleed la sheegey inuu ka koobnaan doono lix gobol, laguna magacaabo Maamulka Koonfuur Galbeed Somalia.

Waxaa isla magaalada Baydhabo ka socda shir kale oo isna la doonayo in lagu soo dhiso maamul ka kooban saddex gobol.

Dowladda Federalka Somalia war saxaafadeed ay ka soo saartey Muqdisho waxay ku sheegtey inay taageersan tahay maamul 3 gobol ka kooban oo degaanadaasi loo sameeyo, kuwaas oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
XS
SM
MD
LG