Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA, UK oo ka Hadley Arrimaha Ukraine


US Ukraine
US Ukraine
Wasiirada rrimaha dibedda ee Mareykanka iyo Britain ayaa beeniyey in Ukraine ay qarka u saaran tahay inay u kala jabto Bari iyo Galbeed, kadib markii talada laga tuuray Viktor Yanukovych oo ahaa madaxweynihii ay sida weyn isugu dhowaayeen Ruushka.

Kadib kulan ay yeesheen John Kerry iyo William Hague ayaa si wadajir ah u sheegey in xukuumadaha Washington iyo London ay rajeynayaan in Ukraine ay soo dhisi karto dowlad loo wada dhan yahay.

Lakin, Mr Hague ayaa sheegey in iyadoo ujeeddada muhiimka ay tahay in la helo Ukraine oo xornimo iyo dimoqraadiyad ay ka jirto, hadana uusan xaaladda meesha ka jirta u arkin inay tahay mid quus ah oo aanay shacabka waxba ka faai’deyn.

Ruushka ayaa sidoo kale ku adkeystey inaanu faragelin ku sameyn doonin arrimaha siyaasadda ee Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Sergei Lavrov ayaa sheegey inay khatar tahay isla markaana aan wax natiijo h laga gaari doonin in dalka Ukraine lagu khasbo inuu kala doorto Ruushka iyo Yurub.

Mr. Yanukovych, madaxweynihii hore ayaa dalka ka cararey maalintii Sabtida, kadib banaanbaxyo rabshado wata oo muddo saddex bilood ah socdey, kuwaas oo qarxey markii uu diiday inuu saxiixo heshiis gamacsi oo Ukraine la geli lahayd Midowga Yurub, taa beddelkeedana uu qaatey gargaar dhaqaale oo uu ka helo Ruushka.

Waxaa jira walaac ku saabsan in Ukraine oo 46 milyan oo qof ay ku nool yihiin, xaalad xun oo dhaqaale ahna ay ka jirto uu u kala jabi karo laba qeybood oo mid ay tahay Bariga oo taageersan Ruushka, iyo qeybta kale ee Galbeedka oo taageersan Midowga Yurub.

Madaxweynaha KMG Oleksandr Turchynov ayaa ka digey inay jiraan calaamdo khatar ah oo muujinaya in dalku u kala jabo qeybo dhowr ah.
XS
SM
MD
LG