Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Abdiweli oo la Kulmey Taliyaha Ciidanka Ethiopia


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheikh Ahmed oo booqasho ku jooga dalka Ethiopia, ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmey Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis.

Kulanka uu Raiisul Wasaaraha la qaatey Taliyaha ciidanka xooga dalka Ethiopia ayay ka wada hadlayeen xoojinta amaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka Somalia kaga sugan yihiin kooxda Al Shabab ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Ra’iiusl Wasaaruha Somalia ayaa sidoo kale maanta booqasho ku tagay Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC).

Raiisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Ahmed waxaa uu booqasho saddex maalmood qaadaneysa ku joogaa Addis Ababa, isagoo kulamo la qaatey madaxda dalkaasi oo uu ku jiro Raiisul Wasaare Haile Mariam Desalegn.

Wafdiga raiisul wasaaraha Somalia iyo mas'uuliyiinta Ethiopia ayaa sidoo kale Addis Ababa ku kala saxiixdey heshiisyo iskaashi oo kala duwan.
XS
SM
MD
LG