Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo la Kulmey Boqorka Jordan


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa damiin dhanka deynta oo gaareysa hal bilyan oo dollar u fidiyey Jordan. Waddanka Jordan ayaa ka mid ah dalalka carabta ee isbahaysiga dhow la leh Mareykanka.

Madaxweynaha waxaa uu balanqaadkaasi kaga dhawaaqey maalintii Jimcaha California halkaas oo uu kula kulmey Boqorka Jordan, Abdalla.

Jordan waxay ka mid tahay waddamada xiriirka dhow la leh Mareykanka ee ku yaala Bariga Dhexe, waana mid ka mid ah labada dal ee Carabta ee heshiis nabadeed la saxiixdey Israel. Masar ayaa ah dalka kale ee Israel xirirka la leh.

Dhaqaalaha Jordan ayaa waxaa aafeeyey qulqulka qaxooti gaaraya ilaa 600,000 oo ka soo cararaya dagaalada Syria.

Madaxweyna Obama iyo Boqor Abdallah ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Bariga Dhexe.
XS
SM
MD
LG