Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW: Jawaab Halaga Bixiyo Duqeyntii Muqdisho


Cabdiweli Sheekh Axmed
Cabdiweli Sheekh Axmed
Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka dalbaday saraakiisha amniga inay jawaab ka bixiyaan sababaha keenay in weerarro madaafiic ah lagu weeraro qeyb ka mid ah magaalada.

Hadalkan ayuu Ra'iisul-wasaare Cabdiweli ka sheegay kulan deg-deg ah oo uu maanta la yeeshay madaxda iyo saraakiisha hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Cabdiweli ayaa sheegay inuu ka xun yahay duqeynta hoobiyayaasha ee labadii habeen ee la soo dhaafay ka dhacday Muqdisho, taasoo cabsi galisyay shacabka Muqdisho.

RW ayaa xusay in kooxaha cadowgu ay ka faaideysanayaan dal-daloollada dhinaca amniga ee ka jira Muqdihso.

Warbixin ay kulnkaasi ku eegeyso waxa Muqdishu ka soo dirtay wariyeheena Seynab Abuukar Maxamed Halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00
XS
SM
MD
LG