Isku xirrada

War Deg-Deg ah

C/risaaq Xaaji oo Aas Qaran loo Sameynayo


Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in RW hore ee Soomaaliya, C/risaaq Xaaji Xuseen aas qaran loo sameyn doono, laguna aasi doono magaalada Muqdisho. Dowladda ayaa guddi u saartay qaban-qaabada aaska.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa soo dhisay guddi gaar ah oo qaban-qaabin doona aaska Mar. Jawaari, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa magacaabay guddi gaar ah oo qaban-qaabinaya aaska.

RW hore, C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa Jimcihii ku geeriyooda magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

C/laahi Axmed Caddow, oo soo noqday safiirkii dowladdii Soomaaliya ee Washington ayaa marxuum C/risaaq ku tilmaamay inuu ahaa nin baal dahab ah ka galay taariikhda Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso C/laahi Axmed Caddow oo VOA u waramay:

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00
XS
SM
MD
LG