Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Ka Taagan Sh.Hoose


Labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose waxaa ka taagnaa isku dhacyo dhex marayay rag ku labisan dareyska ciidamada dowladda Somalia.

Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa sheegaya in laba ka mid ah booliska degmada ay ku dhinteen rabshadahan, dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Isku dhacyadan ayaa salka ku haya cidda maamuleysa isbaarooyin ay ragaasi lacago uqa qaadaan gaadiidka isticmaala wadada dhex marta Magaaladaasi.

Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa cabasho iyo qeyla dhaan ka muujinaya isku dhacyadan.

Ciise Macalin Yaasir oo ka mid ah odyaasha deegaanka, ayaa VOAda uga warramay dhibaatada ay arrintani ku hayso dadka deegaanka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysi ku saabsan arrintan.


please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00
XS
SM
MD
LG