Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sannadguuradii 3aad ee Kacdoonka Masar


Egypt explosions
Egypt explosions
Sannadguurada 3aad ee ka soo wareegtay makrii uu bilowday kacdoonkii 25 January ee xukunka looga tuuray Mubaarak ayaa kusoo aadday iyadoo qalalaasaha waddankaasi kasii socdaa uu cirka isku shareeray.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay Jimcihii weerarro ka dhacay Masar oo ay ku jiraan lix ka tirsan booliiska oo lagu dilay caasimadda Qaahira.

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in geerida kale ay dhacday kadib iska horimaadyo dhexmaray taageerayaasha xisbiga islaamiga ah, kuwa cilmaaniyiinta iyo booliiska.

Kumannaan qof oo ka tirsan dhinacyadaasi ayaa la filayaa inay dibedbaxyo sameeyaan maanta kuwaasi oo ka dhacaya Qaahira iyo magaalooyinka kaleba.

Ugu yaraan 4 qarax ayaa ka dhacay Qaahira Jimcihii oo uu ku jiro mid ismiidaamin ah meel u dhow dhisme ay leeyihiin ciidanka amniga. Ma jirto cid markiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarradan.

Warbixin arrintaasi ku oo uu Qaahira ka soo diray wariyaha VOAda Xuseen Saxnuuni ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:39 0:00
XS
SM
MD
LG