Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Laalay Mooshin


Baarlamaanka
Baarlamaanka
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laalay oo sharci darro ku tilmaamay motion dalbayay in wasiiraddii xukuumaddii Saacid laga reebo golaha wasiiradda ee cusub.

Xubnaha baarlamaanka ayaa 113 mudane waxay u codeeyeen oo ay oggolaadeen mooshin ajandaha ka saarayey mooshinka koowaad ee la doonayye in lagu horistaago dib usoo magacabaista wasiirrada xukuumadii Ra’iisul Wasaare Cabdi Faraax Shirdoon Sacaid. 99 xildhibaan ayaa diiday mooshinka labaad.

Guddoonka baarlamaanka ayaa markaasi kadib ku dhowaaqay in la laalay mooshinka hore ee dalbanayey inana dib loo soo magacaabin wasiirradaii hore, kuna tilmaamay mid ana dastuuri lahayn.

Motion-kan waxaa soo gudbiyay xildhibaanno ka soo horjeeda in xubnihii ku jiray golihii wasiiradda ee Saacid ay mar kale ka mid noqdaan golaha wasiiradda ee la filayo inuu soo dhiso ra'iisul-wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed. Xidlhibaannada motion-ka keenay ayaa ku eedeeyay golihii wasiiradda ee horay waxqabad la'aan, hasse yeeshee baarlamaanka ayaa laalay motion-kan oo la sheegay inuusan waafaqsaneyn dastuurka Soomaaliya.

Go'aankan baarlamaanka ayaa Ra'iisul-wasaare Cabdiweli siinaya awood ah inuu golaha wasiiradda uu soo dhisayo uu ku soo daro karo qaar katirsan wasiiraddii hore.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli ayaa Sabtidii baarlamaanka weydiistay inay muddo 10 cisho ah oo dheeraad ah ay sii shaqeeyaan si uu u soo dhiso xukuumaddiisa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:19:50 0:00
XS
SM
MD
LG