Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka K/Sudan oo qabsadey Bentiu


South Sudan
South Sudan
Ciidamada dowladda Koonfuurta Sudan ayaa sheegey inay magaalo muhiim ah ka qabsadeen falaagada uu horkacayo madaxweyne ku xigeenkii hore-Riek Machar.

Afhayeen u hadley taliska ciidamada, ayaa sheegey in magaalada Bentiu ay gacanta u gashey dowladda markii ay jiireen difaacii ugu dambeeyey ee falaagada.

Koonfuurta Sudan ayaa tan iyo bartamihii bishii Decemba waxaa ka socdey dagaalo u dhexeeya dowladda iyo falaagada, waxaana weli la isku mari la’ yahay wadahadalo labada dhinac ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Wadahadaladaasi waxaa garwadeen ka ah urur goboleedka IGAD.

Madaxweyne Salva Kiir Mayardit ayaa ku doodaya in dagaalka uu ka bilowdey markii Mr Machar uu isku dayey inuu afgembiyo dowladda.

Hase yeeshee Machar waxaa uu sheegey in wararkaasi aan waxba ka jirin
XS
SM
MD
LG